TOOS, Trump ayaa uga digay heshiiska Iran ‘inuusan ahayn mid kama dambays ah’ ah ka hor inta uusan saxiixin jimcaha
Madaxweynaha oo ka hadlayay maalintii ugu dambeysay ee shirka G7 ayaa sheegay in Mareykanka uu "ku laaban karo duqeynta" haddii uusan ka helin heshiiska.
Wasiirka difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa sheegay kadib
kulan uu la qaatay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro inay iska
kaashanayaan ammaanka, dhaqaalaha iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee ay wada
leeyihiin Somaliland ayna labada dhinac la dagaalamayaan xubno ‘’argagixiso’’
oo gobolka, sida ay tabisay wakaalada wararka Reuters.
Reuters ayaa intaa ku dartay “Katz oo leh: ‘Sanado badan
ayaan si qarsoodi ah uga wada shaqaynaynay hawlgallo taxane ah oo weligood sir sii
ahaan doona.’”
Madaxweyne Cirro ayaa dhankiisa sheegay in ‘’Somaliland ay u
furan tahay ganacsi iyo in Somaliland ay diyaar u tahay maalgelinta Israa’iil’’
War deg deg ah, Trump oo sheegay Maraykanka uusan lacag siin doonin Iiraan
Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku sheegay ‘’sheeko
been abuur ah’’. wararka ay warbaahinta Maraykanka ay tabiyeen ee ah in Iiraan
helayso dhaqaalaha dib u dhiska ee gaaraya $300 bilyan oo doolar taasi oo qayb
ka ah heshiiska lagu dhammaynayo dagaalka.
‘’Lacag ma siinayno,’’ ayuu yiri. ‘’Wax intaasi kamid ah ma
aynaan siin.’’
Waxaa uu ka hadlay mustaqbalka wadahadalada isaga oo sheegay
inay qayb ka noqon doonaan dalalka gacanka iyo ka hadalka arrimaha aan
Nukliyeerka ahayn oo ay ku jirto sida caadiga ah gantaalada balastiga.
‘’Waa in ay yeeshaan qaar maxaa yeelay dadka kalaba qaar
ayay haystaan, qaar ayaad haysataa’’ ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa sheegay in lagala taliyay inuu ka hortago
Iiraan inay yeelato gantaalo, laakiin uu sheegay ‘’in aysan sidaas u shaqayn’’.
War deg deg ah, Maraykanka oo ka fikaraya cunaqabateen uu dib ugu soo rogo Ruushka
Xigashada Sawirka, Reuters
Qoraalka sawirka, Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo wariyayaasha ay wax
ka weydiiyeen inuu madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu leeyahay masuuliyad
dheeri ah oo dagaalka Ukrain ah ayaa ku jawaabay in uusan arrintaasi guda
galayn, ayna suurtagal tahay inay khatar galiso heshiis nabadeed oo la filan
karo.
Laakiin Trump waxa kale oo uu wariyayaasha u sheegay in
Maraykanka uu tixgalinayo inuu dib ugu soo rogo Ruushka cunaqabataynta.
‘’Waynu eegaynaa arrintaasi,’’ ayuu yiri.
Maraykanku waxa uu laalay cunaqabateenadii saarnaa shidaalka
Ruushka, dadaal lagu doonayay in lagu dajiyo qiimaha tamarta caalamiga ah,
taasi oo kordhisay natiijada dagaalka ay kula jiraan Iiraan.
Qiimaha shidaalka ayaa hoos u dhacay dhowaanahan, kadib
markii labada dhinac ay wada gaareen heshiis.
War deg deg ah, Somaliland oo ka hadashay inay saldhig ciidan siisay Israa’iil
Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa u sheegay
CBS News, bahwadaagta BBC ee Maraykanka in qoraalka heshiiska Maraykanka iyo
Iiraan lasii dayn doono Jimcaha ugu dambayn.
Waxa uu sheegay dhexdhexaadiyaasha Qadar iyo Pakistan ay
weydiisteen Maraykanka in hakiyo daacabaada qoraalka dhamaystiran ee ilaa muddo
kooban.
‘’Dhab ahaantii waxaan isku dayaynaa in aan riixno in Maantaba
lasii daayo, maxaa yeelay waxaanu doonaynaa in aan u sheegno shacabka
Maraykanka waxa heshiiska ku jira,’’ ayuu yiri Vance.
Waxaa wax laga weydiiyay warbixinada in heshiiska ay ku
jirto $300 bilyan oo doolar oo dhaqaale dib u dhiska Iiraan ah, sida uu sheegay
madaxweyne ku-xigeenka ‘’Wax kamid ah waxaas ma helayso Iiraan haddii aysan
Iiraan sal ahaan u beddelin sida ay ula dhaqmayso caalamka’’.
War deg deg ah, Soomaaliya oo qortay Taariikh kadib guusha ay gaareen xulka kubbada cagta haweenka
Xigashada Sawirka, Cecafa
Qoraalka sawirka, Xulka gabdhaha kubbada cagta Soomaaliya ee ka yar da'da 17
Soomaaliya ayaa qortay Taariikh kadib markii ay kooxdeeda
guul kasoo hoysay ciyaar caalami ah oo ka tirsan kubbada cagta haweenka.
Ka dib
markii ay ku guul daraysteen labadoodii ciyaareed ee hore ee ay lasoo ciyaareen
Tanzania iyo Kenya, waxa ay guushoodii koowaad ka gaareen xulka haweenka Sudan
oo ay ku garaaceen 8-2 ciyaar ka tirsan Group-ka A ee haweenka CECAFA U-17 Arbacadii.
Najma Maxamed ayaa ka dhalisay saddexleey ciyaarta ka dhacday
garoonka KMC Stadium ee Dar es Salaam, Tanzania.
Laakiin is-afgaradka ma aha heshiis nabadeed, tafatiraha caalamka
ee BBC Jeremy Bowen ayaa sharaxaya. Waa ay ka duwan tahay arrimo adag sida barnaamijka
nukliyeerka Iran iyo heerka cunaqabteenada la qaadayo ee heshiisyada
mustaqbalka.
Waxa kale oo jira su’aalo ku gadaaman waxa rasmi ahaan
heshiiska uu micno ugu leeyahay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xizbullaah ee
Lubnaan. Iiraan ayaa sheegtay inay tahay in heshiiska ay qayb ka noqoto.
Waxaa qorshaysan in Maraykanka iyo Iiraan ay ku saxiixeen Burgnestock
oo ka tirsan Swizerland, Jimcaha.
War deg deg ah, Cirro oo maalinkii Afaraad kulamo ka wada Israa'iil
Waxaa jira duqaymo dheeraad ah oo Israa’iil ay ka gaysanayso
Koonfurta Lubnaan Subaxnimadii Arbacada, inkasta oo digniino ay kasoo baxayaan
dhanka Iiraan oo ah in Israa’iil ay wajihi doonto wax ay ugu yeertay jawaab adag
haddii aysan joojin weeraradaasi.
Warbaahinta Lubnaan ayaa tabisay in weerarada habeenimo lagu
fuliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo madaafiicda lala beegsaday dhowr
magaalo.
Talaadadii milatariga Iiraan ayaa sheegay Israa’iil ay ku
xadgubtay xabbad-joojinta 84 mar labadii maalmood ee lasoo dhaafay.
Isaga oo ka hadlayay kulanka G7 Donald Trump ayaa
cambaareeyay Israa’iil isaga oo sheegay jawaabta ay siinayaan Xisbullah ay
tahay mid aan dheeli tirnayn.
Heshiiska ay wada gaareen Maraykanka iyo Iiraan ayaa la
sheegay inuu ku jiro in lagu daro heshiis lagu joojinayo dagaalka Lubnaan.
Saddex
markab oo nooca shidaalka qaada ah oo laga leeyahay dalka Iiraan, ayaa markii
ugu horreysay muddo laba bilood ah kadib ka gudbay go'doomintii Mareykanka ee
Marinka Hormuz, sida ay sheegeen ilaha la socda dhaqdhaqaaqa maraakiibta, xilli
ay Tehran iyo Washington isu diyaarinayaan inay saxiixaan heshiis nabadeed oo
lagu soo afjarayo dagaalka.
Qaybta xaqiijinta
wararka ee BBC Verify, ayaa diiwaangelisay in maraakiibtan reer Iiraan ee
cunaqabataynta saaran, kuwaas oo ay leedahay Shirkadda Qaranka ee Maraakiibta
Shidaalka Iiraan (NITC), ay ka gudbeen khadka go'doominta iyaga oo sida xamuul,
isla markaana ay u shiraacdeen dhanka Badda Carabta.
Maraakiibtan
ayaa mar kale shiday aaladaha laga raadraaco goobta ay ku sugan yihiin, balse
hadda ma shaacinayaan halka ay u socdaan.
JD Vance oo sheegay in Iran aysan heli doonin lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka
Xigashada Sawirka, X
Qoraalka sawirka, .
laga qabo dagaal kale.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka JD Vance ayaa sheegay in Iran aysan heli doonin lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka, balse ay heli karto balaayiin doollar haddii ay fuliso ballanqaadkeeda, lagana qaado cunaqabateynta dhaqaale ee saaran.
Taasi waxay siinaysaa Tehran fursad ay ku soo bandhigto heshiiska si ay u soo jiidato maalgashiga iyo dib u dhiska dhaqaalaheeda, halkii loo arki lahaa in ay ku xiran tahay Maraykanka.
Si kastaba ha ahaatee, khataraha ayaa weli ah. Si rasmi ah looma shaacin faahfaahinta heshiiskan, waxaana la filayaa in wada hadallo kale ay ka furmaan dalka Switzerland maalinta Jimcaha.
Qodobada ugu adag ayaan wali si buuxda loo xalin, waxaana ka mid ah masiirka Yuraaniyaamka Iran ee la hodmay, heerka tayeynta ee la ogolaan doono, qaadista cunaqabateynta, arrinta marin biyoodka Hormuz iyo xaalada Lubnaan.
Waxa kale oo jira hubanti la'aan ku saabsan Israa'iil. Ra'iisul wasaare Benjamin Netanyahu ayaa beeniyay wararka sheegaya in Israa'iil ay ciidamadeeda kala baxayso koonfurta Lubnaan, isagoo ku adkeystay in ciidamada Israa'iil ay sii joogi doonaan halkaas.
Dhanka kale, Donald Trump ayaa si cad ugu dhaliilay Israel howlgallada ay ka wado Lubnaan, isagoo sheegay in dad aad u badan lagu dilay. Waxa kale oo uu sheegay in aanu ku qanacsanayn weerarka Israa'iil ay ku qaaday Beyruut oo dhacay wax yar ka hor inta aan la gaadhin heshiiska Iran iyo Maraykanka, inkasta oo uu ku adkaystay in xidhiidhkiisa Netanyahu uu si wanaagsan u socdo.
Laakiin heshiiska ayaa u muuqda mid jilicsan. Hadii Israa'iil ay sii wado howlgalkeeda Lubnaan, Iran waxay wajihi doontaa cadaadis ah inay ka jawaabto. Haddii Washington ay ku guuldareysato inay ka hortagto Israa'iil, sheegashada Tehran ee ah in Lubnaan ay ku jirto heshiiska ayaa dhawaan la tijaabin karaa.
Cunnooyinka ay Soomaalida caanka ku tahay ee aan beerka u fiicneyn
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dr. Maxamed Cabdullaahi oo ku takhasusay cudurrada guud, baaritaanna ku sameeyay cagaarshowga oo BBC-da la hadlay, ayaa sheegay in beerka ay ku dhacaan xanuunno dhowr ah oo uu cagaarshowgu ka mid yahay.
Dr. Maxamed ayaa sheegay in cunnooyinka ay Soomaalidu u badan yihiin, sida kuwa dufanta leh, saliidda iyo dufanka xoolaha oo laga helo hilibka aysan u wanaagsaneyn caafimaadka beerka.
Waxyaabaha ay caanka ku tahya Soomaalida ayaa waxaa ka mid ah oodkaca, oo ka mid ah waxyaabaha ay dufantu ku badan tahay.
“Dadkeenna Soomaalida waxay u badan yihiin cunnooyinka dufanka leh ee xoolaha ka yimaada, subagga, waxyaabaha aadka loo shiilo, saliidda aadka u badan. Dadka qaar waxaa laga yaabaa inay cabaan macsarada amaba ay cuntada ku badiyaan. Cunnada daqiiqda ku badan ayaa sidoo kale ka mid ah,”
Kuwa daqiiqdu ku badan tahay ayaa waxaa ka mid ah baastada iyo bariiska noocyada qaar, iyo sidoo kale cunnooyinka burka lagu badiyo sida canjeerada iyo waxyaabaha burka laga sameeyo.
“Cunnooyinkaas waxay sababayaan in dhiifshiidku cuslaado, haddii uu dheefshiidku cuslaadana beerka saameyn xoog leh ayay ku yeelataa,” ayuu yiri.
Dhaqtarka ayaa intaa ku daray in hab-nololeedka dadka qaar ee saameyn kara beerka ay ka mid yihiin, in qofku isticmaalo daawooyin uusan dhaqtar u qorin, amaba dawo-dhireedka oo kale.
“Waxaa dalkeenna aad ugu badan in qofku uu farmashiye iska tago kana soo iibsado dawooyinka sida xanuun-baabi’iyaha iyo kuwa xasaasiyadda loo cuno, kuwaas waxay qaarkood dhaawici karaan beerka,” ayuu yiri.
Dowladda Mareykanka oo ku dhawaaqday in ka badan $1 Bilyan oo kaalmo ah
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Dowladda
Mareykanka ayaa ku dhawaaqday gargaar bini'aadantinimo oo ka badan hal bilyan
oo doolar oo loogu deeqayo Qaramada Midoobay.
Warbixin ka
soo baxday Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in lacagtan
loo qaybin doono hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee UNICEF iyo
Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), waxayna gargaar gaarsiin doontaa in ka badan
afartan dal oo ay ku jiraan Itoobiya, Myanmar iyo Burma iyo Ukraine.
Tan iyo
bishii Diseembar ee sannadkii hore, Mareykanka ayaa ballanqaaday ku dhowaad
shan bilyan oo doolar oo la siinayo hay’adaha Qaramada Midoobay, ka dib jarid
ballaaran oo lagu sameeyay gargaarkii dibadda markii uu madaxweyne Trump dib
ugu soo laabtay xukunka.
Deeqadan
ayaa waxaa looga gol leeyahay in lagu badbaadiyo nolosha dadka ay saameyeen
dagaallada, abaaraha iyo kuwa kale ee wajahayaha baahiyaha bini'aadantinimo.
Taageeradan
loo fidiyay UNICEF iyo WFP, waxay si dheeraad ah u muujinaysaa sida Maamulka
uga Trump uga go'an yahay horumarinta dib-u-habaynta Qaramada Midoobay.
Qoraalka ay wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka la wadaagtay warhaainta, si cad looguma sheegin dalalka sida tooska ah uga faa'ideysan doona deeqdan.
Daraasad war aan fiicneyn ka sheegtay dumarka aroortii kaca
Xigashada Sawirka, Getty Images
Qoraalka sawirka, .
Haweenka subixii firfircoon ayaa la sheegay inay khatar yar ugu jiraan inuu ku dhaco kansarka naasaha, sida ay sheegeen baarayaal UK u dhashay.
Baarayaasha oo ka tirsan Jaamacadda Bristol ayaa sheegay in sababta arrintaasi keentay ay weli u baahan tahay in shaaca laga qaado.
Waxay intaas ku dareen in daraasaddan ay muhiim tahay iyadoo laga yaabo inay saameyso haweeney walba.
Khubarrada ayaa sheegay in daraasadda oo lagu soo bandhigay Shirka NCRI ee Kansarka ee magaalada Glasgow, ay faham wanaagsan ka bixisay muhiimadda ay hurdadu u leedahay caafimaadka.
Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu
cadawgiisa is ka celiyo.
Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay
dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo
qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay
qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu
qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.
Dagaalkani waxa uu aad ugu adkaynayaa Maraykanka in uu cadawgiisa is ka celiyo.
Dagaalku waxa uu dhaawacay xulafada Maraykanku la leeyahay dawladaha Carbeed ee saliidda soo saara ee gacanka Persian Khaliijka, kuwaas oo qaab-dhismeedkooda dhaqaale uu ku dhisan yahay xasillooni iyada oo ay qalalaasaha ka taagan yihiin bariga dhexe, khasaaraha ka dhashayna waxa uu qaadan doonaa sannado badan si loo hagaajiyo.
Mas'uuliyiinta dalalkan ayaa durba si gaar ah uga hadlaya sidii ay u kala duwanaan lahaayeen xulafadooda iyo sidii ay Iran ula noolaan lahaayeen. Shiinaha ayaa sidoo kale si dhow isha ugu hayay iyadoo Mareykanka uu daalan yahay keydkiisa hubka ee ay adag tahay in la bedelo.
Heshiiskan ayaa haddii aanu la kulmin wax caqabado ah daqiiqadaha ugu dambeeya, waxa uu soo afjarayaa dagaal salka ku haya aragti been ah oo ay Maraykanka iyo Israa'iil ka aaminsan yihiin xoogga cadawgooda ee Iran. Tani waxay nasteexo weyn u keeni doontaa dhammaan dadkii ay noloshoodu ku cuslaatay dagaalka, oo ay ku jiraan dadka rayidka ah ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.
Sidee dadka Iiraaniyiinta ah uga falcelinayaan heshiiska?
Hoggaanka Iran ayaa isku dayaya in ay u soo bandhigaan heshiiska cusub ee ay la galayaan Mareykanka in uusan ahayn mid dib u gurasho, balse uu yahay natiijada iska caabin iyo guul.
Laakiin falcelinta ka timid dhegaystayaasheena BBC-da Faaris ayaa soo jeedinaysa in sheekada guusha rasmiga ah ay u soo degayso si aan sinnayn.
Hal qof ayaa noo sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin weerar kale oo Israa’iil ah, laakiin xitaa markii ay maqleen heshiiska, waxa ay sheegeen in aanay wax kalsooni ah ku qabin oo ay ka walaacsan yihiin in dalka si habboon loo maareynayo haddii heshiisku uu sii socdo.
Qof kale oo Iiraani ah oo ka soo horjeeda maamulka, oo markii hore taageeray tallaabada militariga Mareykanka, ayaa yiri: "Rajadeennu waxay ahayd in nidaamka xukunka wax iska beddelo. Laakiin marka laga reebo darxumada, sicir-bararka iyo dhaawaca kale ee dhaqaalaha, muxuu faa'iido ah oo uu leeyahay?"
Kuwo kale ayaa hiilo u muujiyay dawladda. Hal qof ayaa ku tilmaamay Iran in ay tahay guuleystaha, isagoo sheegay in dagaalku muujinayo in cunaqabateynta aan looga qaadin "dawarsi", balse loo maray awood.
Laakin dad badan oo iiraaniyiin ah, guusha laguma qiyaasi doono halku dhigyo. Waxaa lagu qiyaasi doonaa haddii dagaalku joogsado, sicirka oo yaraada iyo haddii hoggaanku uu maamuli karo marxaladda soo socota iyada oo aan mar kale si lama filaan ah u kicin.
Somaliland oo ka jawaabtay cambaarayntii dowladda Soomaaliya ee maanta
Somaliland ayaa iska diiday cambaarayntii ka soo baxday dowladda federaalka Soomaaliya maanta ee ku aadaneed booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Somaliland ku joogo Israa'iil.
"Warka ka soo baxay Muqdisho waa xaqiiqo kale oo lagu qalloocinayo taariikhda, xaqiiqada lagu diidayo, laguna marin habaabinayo beesha caalamka," ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Somaliland.
Waxaa intaa la raaciyay in ay iska diideen in tallaabooyinka Somaliland ay kula macaamilayso wadamada caalamka ay yihiin kuwo aan ka hor imaanayn shuruucda caalamiga ah.
Qiimaha saliidda cayriin ee Brent oo hoos ugu dhacday $80 markii ugu horreysay tan iyo bishii Maarso